2: 124 Jeer.
Wasiirka Gaashandhiga oo sheegay in Ciidamada DFS aysan ku jirin Dagaalka Shabellaha Hoose
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Wasiirka Gaashandhiga ahna kusimaha Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya max’ed Sh Xasan Xaamud oo maanta Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in Dagaalka ka socda Shabellaha Hoose aysan wax lug ah kula hayn Ciidamada Milatariga Soomaaliya.
Max’ed Sh Xasan Xaamud ayaa sheegay in Ciidamada Milatariga Soomaaliya uu ku Amrayo in Dagaalka Shabellaha Hoose aysan ka qayb qaadan.
Qeybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ka socda Dagaal u dhaxeeya Labo Beelood oo wada Daga Gobolka Shabellaha hoose.
Waxaana Hubaal ah in Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku lug leeyihiin Dagaalka,ayagoo la kala safan Labada Qabiil ee Dagaalamaya.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨