HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Tuesday, April 29, 2014 - 07:47:08
Waxaa la aqristay: 17 Jeer.

Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda oo la kulmay Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika

Waxaa Qoray:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kula kulmay Magaalada Tunis ee Caasimadda dalka Tunisia Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika H.E. Donald Kaberuka iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha Bankigaasi , iyadoo kulanka looga dooday dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarinta ee Bankiga ugu talagalay dalka Soomaaliya oo aan helin kaalmadii uu kaga baahnaa Bankigaasi mudadii qaran burburka  iyo colaadaha ay ka jireen dalka .

Kulankani oo uu sidoo kale ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda H.E. Hussein Abdi Halane iyo saraakiil kale oo wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya ka mid ah ayaa waxaa lagu falan-qeeyay fududeynta deeqaha maaliyadeed iyo fulinta mashaariic kala duwan .

Kulankani oo qeyb ka ah dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso Xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya hey’adaha maaliyadeed ee heer gobol iyo heer caalami ayaa waxa uu muujiyay qorshayaasha Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda ay ku doonayaan inay fursado maalgeshi ,dib u dhis iyo horumarin uga suuragelin lahaayeen dalka Soomaaliya oo ka soo kabanaya dagaalo sokeeye oo burburiyay nidaamka dowladnimo, deganaansha ammaan, dhismayaasha hey’adaha Xukuumiga, nolosha Siyaasadda iyo maamulka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsatay Madaxda Bankiga Horumarinta Afrika inay taageeraan hey’adaha maaliyadda dowladda oo uu ku jiro Bankiga Dhexe , si loogu saldhigo nidaam maaliyadeed oo sugan.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨