Waxaa la daabacay: Saturday, May 24, 2014 - 16:15:22
Waxaa la aqristay: 463 Jeer.

Wasiirada Amniga iyo Gaashandhiga oo loogu baaqay inay is casilaan.

Waxaa Qoray:

Iyadoo ay manta Xarunta Baarlamaanka DFS lagu qaaday weerar culus, ayaa waxaa arrintaasi ka carooday Siyaasiyiinta iyo aqoonyahaanada Somalia.

Xildhibaan cabdi samad macalin Maxamuud oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa waxa uu sheegay in wixii manta dhacay ay ka turjumeyso nasiib darada DFS, waxa uuna DFS ugu baaqay inay is casilaan ama ay xilka ka qaaday Wasiirada Ammaanka iyo Taliyayaashooda.

Waxa uu sheegay in Wasiirada DFS iminka xilalka ka haayo aysan Khibrad u laheyn sugida Ammaanka iyo howlaha loo igmaday, isagoona intaa raaciyay in Madaxweynaha oo safar dalka diadiisa ugu maqan uu isaguba xilka iska casilo ama uu Wasiirka Gaashandhiga iyo Amniga xilka ka qaado.

Dhanka kale, Dahir Xassan oo kamid ah aqoonyahaanada Dalka ayaa waxa uu sheegay inay dhacday wixii ay sugaayen isagoona arrinka manta ku tilmaamay mid ugub ah loona baahan yahay in Jawaabteeda laga dhigo Casilaada Wasiirka Gaashandhiga iyo Amniga.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨