Waxaa la aqristay: 157 Jeer.
Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Amniga Maamulka Somaliland oo Jeelka la dhigay.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Warar hoose oo naga soo gaarayo Magaaladda Hargeysa, ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka Magaaladaasi ay jeelka dhigeen Wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga Cabdilaahi Abokor.
Wararku waxa ay tibaaxayaan in Ciidamo aad u hubeysnaa ay Habbeennimadii xalay ‘’saqadii dhexe’’ guriga kala baxeen Mas’uulkaasi islamarkaana ay xabsiga u taxaabeen, kadib markii ciidamo ay u daateen aqalkiisa, isla markaana ay rasaas u adeegsadeen ilaalo aqalka wasiirka ilaalinaysay.
Sidoo kale, Ina la hubo hal qof ayaa xalay rasaastaa ku dhaawacmay, waxaana la dhigay cibitaalka guud ee magaalada Hargeysa.
Xariga wasiirka ayaa lala xiriirinayaa siro uu ku baahiyey warbaahinta, isagoo sheegay in xubno wasiiro ahi ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ee ka dagaala koonfurta Soomaaliya.
Sidoo kale wasiir ku xigeenka la xiray ayaa sheegay inuu siro badan k hayo Maamulka Somaliland , balse xarigiisa ayaa noqonayo ka hor tag xogaha uu hayo.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨