War saxafadeed ay si wadajir ah u soo saareen wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Rugta ganacsiga Soomaaliya ayay ku qaadaceen ka qayb-galka shir looga hadlayo ganacsiga oo maalinta talaadada ee bisha Juun furmaya magaalada Stockholm ee dalka Sweden.
War saxaafadeed ay si wada jir ah ay usoo saareen wasaarada ganacsiga iyo warshadaha ee dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo rugta ganacsiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkan oo ah mid muhimad weyn ugu fadhiya sidii loo dhiirri-gelin lahaa ganacsiga Soomaaliya, dunidana loogu soo jeedin lahaa ganacsatada adduunka, isla markaana loo caawin lahaa ganacsiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed uu noqdey mid la marin habaabiyey isla markaana kooxo doonaya inay u adeegsadaan musuqmaasuq iyo tahriibin dad sharci daro ah ay afduubteen dhamaan ujeedooyinkii shirka laga lahaa isla markaana ay shirka u adeegsadeen dano gaar ahaaneed si lacag looga abuuro tahriibinta dadka aan ganacsatada aheen ee loo daabulay shirka iyaga oo laga dhigaayo ganacsato rasmi ah oo howlo ganacsi ka haayo dalka.
Haddaba wasaarada ganacsiga iyo warshadaha ee dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay mowqifkeeda rasmiga ee shirka ay ku qaadacdey ay u gudbisey dowladda Sweden iyo Safiirka dowladda Sweden ee dalka Soomaaliya. Mana jirto cid ka mid ah dowladda federaalka Soomaaliya oo shirkaas ganacsiga ku mataleysa dowladda federaalka Soomaaliya.
Sababaha ay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya iyo Rugta ganacsiga Soomaaliya ay ku qaadaceen shirka waa sababaha soo socda:
1. Waxay ahayd in ganacsatada Soomaaliyeed oo ku urursan Rugta Ganacsiga intooda badan, wada-shaqayn dhab ahna kala dhaxayso wasaaradda ganacsiga in si wadatashi leh uu u hoggaamiyo wasiirka ganacsiga, taladoodana ay urursan tahay.
2. Ganacsiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed dhexdooda saameyn kuma lahan siyaasadda la isku haysto oo ganacsiga iyo ganacsatadu xuduud ma leh, gobol walba ayayna hantidoodu tallaa; marka in loola dhaqmo sida siyaasadeysan oo magacyadaas lagu casuumo nalama ahan.
3. Ajandaha waxaa ka maqan ganacsiga Soomaalidu waqtigan xaadirka ah ay ka miro-dhalin karto sida xoolaha, kalluumaysiga iyo beeraha, dhaqan ganacsi soo jireen ahna ay u leedahay.
4. Soomaaliya waxay u baahan tahay in laga caawiyo – Institutional Building – kuwa hadda jira, lana garab-galo, ganacsiga gaarka loo leeyahayna waa meesha kaliya ay Soomaaliya ka nooshahay, in la sii adkeeya maahane nalama ahan in ay caawineyso in si is-barabar-yaac ah lagu caawiyo.
5. Ugu dambeyn, isla markaana ah tan ugu muhiimsan waxay ahayd si dowlad-wanaagga la caawiyo, waxay ahayd in wasaaradda ganacsiga kaalin buuxda ku yeelato qaban-qaabada shirka, ajandaha, ka qayb-galka iyo qaabka ganacsatada loo dhiirri-gelinayo, taasina ma dhicin.
6. Wasaaraddii ganacsiga iyo warshadaha shirkii kama qayb-galayso, talana kuma lahan, sidaa darted annagoo tixgelinayna dowlad-wanaagga iyo dhisidda hay’adaha ganacsiga, waxaa nala haboonaatay inaynaan ka qayb-gelin shirkaas haddii aysan wasiirka iyo wasaarada ganacsiga iyo ganacsatada oo wadajira aysan ka qayb-galeen shirkaas.