2: 416 Jeer.
Wasaaradda Gaashandhiga Somalia oo ka cabsi qabta in Dagaal xoogan uu ka dhaco Magaaladda Kismaayo.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Saraakiisha Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Somalia ayaa ka cabsi qaba inuu Dagaal Xoogan dhex maro Ciidamadda Dowladda Somalia iyo Kuwa Raaskambooni ee Magaaladda Kismaayo.
Wasiirka Gaashandhiga Xukuumadda Somalia oo imika Socdaal ku jooga Magaaladda Jowhar, ayaa sheegay in Khilaafka ka dhashay Isfahan’waagii ka dhashay Kulankii u dhexeeyay Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia iyo Maamulka Kismaayo uu sababi karo inuu ka dhashay Dagaal dhex mara Ciidamadda labada garab ee ku sugan Magaaladda Kismaayo.
Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Somalia, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, ayaa sidoo kale Sheegay in Magaaladda Kismaayo ay ka bilaabatay Saan-Saan Colaad salka ku heysa Isfahan daridii ka dhalatay Khilaafkii u dhexeeyay Mas’uuliyiinta Xukuumadda iyo Kismaayo, waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in la qaboojiyo Saan-saantaasi.
Warfaa Sheekh Aadan, oo ka mid ah Saraakiisha Xukuumadda Somalia ayaa isaguna sheegay in Saan-Saanta Colaad ee u Dhexeysa Ciiddamadda Dowladda Somalia iyo kuwa Raaskambooni ay tahay mid laga dareemaayo Gabi ahaan Magaaladda Kismaayo, waxa uuna sheegay Sarkaalka in Ciiddamo Dheeri ah ay Dowladda Somalia u diri doonto Magaaladda Kismaayo, Hayeeshee Maamulka Kismaayo looga baahan yahay inay dhankooda ka muujiyaan Xasilooni.
Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha Xukuumadda Somalia ee Gobolka Gedo iyo Kismaayo , ayaa Walaac ka muujinaaya in Isku-dhac uu dhex maro Ciiddamadda, waxaana jira Saan-Saan Colaadeed laga dareemaayo Gabi ahaan Magaaladda Kismaayo taasoo laga cabsanaayo in maalmahan gudahooda uu ka dhaco Dagaal xoogan oo ay isku farasaaraan Ciiddamada Dowladda iyo kuwa Raaskambooni.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨