Wargeyska The Standard oo daabacay Warbixin ku saabsana Diyaarado Dagaal oo ay iibsaneyso Kenya.

¨
Posted on Jun 11 2014 - 7:18am by Qadro Xusein
2

Dowlada Kenya ayaa daboolka ka qaaday in Lacag dhan ‘’Hal Billion’’ oo Dollar aya ugu tala gashay inay ku iibsato Diyaaradaha Dagaalka ee Macmalka ah.

Qoraal kasoo baxay Kenya, ayaa lagu sheegay inay daneyneyso iibsashada 10 Diyaaradaha Helikoptaradda ee lagu farsameeyo dalka Raashiya, kuwaasi oo ay Kenya sheegtay inay u adeegsaneyso la dagaalanka Al-qaacidada Soomaalida ee ku dhuumaleysaneysa Duurka iyo Gobolo ka tirsan Somalia.

Diyaaradaasi cusub oo noocoodu yahay Mi 17 ayaa la doonayaa in sidoo kale loo adeegsado Ilaaladda Ammaanka ee gudaha Kenya, si looga hortago haddii Falal Argagixiso lagu soo qaado Xarumaha Dowlada Kenya.

Qoraalka ayaa waxaa lagu soo daabacay Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalladda Nairobi inay Kenya Miisaaniyadasi ansixiyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Lenku iyo Taliyayaasha Hay’adaha Ammaanka Kenya, si looga hortago Hanjabaadaha Xarakadda Alshabaab.

Dhinaca kale, waxay ansixiyeen qorshaha ammaanka Qaranka Kenya ee shanta sanno ee soo socoto, iyadoo la go’aamiyey in Kaamerooyinka CCTV ee wax laga ilaaleeyo lagu rakibo 10- Degmo, si dalka looga ilaaliyo weeraro cusub oo ay Xarakadda Alshabaab ka geystaan gudaha Kenya.
Xigasho The Standard

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

About the Author
Author Image