Waxaa la daabacay: Thursday, May 29, 2014 - 06:47:46
Waxaa la aqristay: 144 Jeer.

Warbaahinta Caalamka oo shaacisay in Muwaadin Somali Norwey ah lagu dhex toogtay gudaha Dalka Syria.

Waxaa Qoray:

Qoraal lagu soo daabacay Wargeyska Dagbladet ee ka soo baxa caasimadda dalka Norway ee Oslo ayaa  sheegay in ugu yaraan hal qof oo Muslim ka tegay dalkooda lagu dilay dalka Syria maalmihii la soo dhaafay.

Ninka la dilay oo ahaa Muwaadin Somali haysta dhalashadda Norwegian ah ayaan la shaacinin magaciisa.

Hay’adda Ammaanka Qaranka Norway (PST) ayaa diiday inay wax faallo ah ka bixiso dhimashadda ugu dambeyso ee lagu sheegay in Muwaadin Somali-Norwegian lagu dilay dalka Syria.

Warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan in tiro dhallinyarro Norwegians ah bilihii la soo dhaafay lagu dilay gudaha dalka Syria, kuwaasi oo lasheegay inay ka barbar-dagaalamayeen Kooxda Islaamiyiinta ee isku magacowda Dowladda Islaamka ee Ciraaq iyo Shaam ‘’ISIL’’.

Mar sii horreysay 7 dhallinyarro Norwegian ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay gudaha dalka Syria, kuwaasi oo la safnaa Jabhadda ISIL.

Dhinaca kale, aroornimaddii hore ee doraad waxay Saraakiil ka tirsan Hay’adda PST gacanta ku dhigeen 3 dhallinyarro oo ka timid magaalladda Oslo, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay ku lug leeyihiin falal argagixiso.

Saddexda nin oo wada haysta dhalashadda Norwegian ayaa kala ahaa Wiil Soomaali oo 29-jir oo ku dhashay Somalia iyo labo kale oo ka soo jeeda dalkii Yugoslavia, kuwaasi oo da’dooda lagu kala sheegay 24 jir iyo 27-jir.

Raggaasi ayaa lagu tuhunsan yahay inay qorsheynayeen inay mar kale ku biiran Jabhadda ISIL ee dalka Syria.

Xigasho Wargeyska Dagbladet

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨