2: 790 Jeer.
Wararkii Ugu Danbeeyay ee Wargeysyadu ay ka qoreen Suuqa kala Iibsiga Ciyaartoyda
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Chelsea iyo Manchester City ayaa tartanta kaga imaanayaa kooxda Barcelona kaasi oo ku aadan sidii loo heli lahaa daafaca dhexe ee kooxda Villarreal ee Mateo Musacchio.
23 jirka reer Argentine ayaa bartilmaameed u ah kooxahan iyadoo wali ay ku adkeysaneyso kooxdiisa in ay sii heysato.
Waxaa Qoray: Daily Express
Tababare Brendan Rodgers ayaa rumeysan in Luis Suarez uu waqti dheer sii joogi doono Liverpool waxana uu uga diagay daafacayda Premier League in 26 jirkan uu sida uu hada yahay ka sii fiicnaan doono.
Waxaa Qoray: Liverpool Echo
Arsenal ayaa kula dagalami doonta kooxda reer Talyaani ee Roma sidii ay u heli laheyd saxiixa 21 jirka ee Auxerre ee weerarka uga ciyaara Paul-Georges Ntep.
Waxaa Qoray: Daily Star
Manchester United iyo Arsenal ayaa ku dagaalamaya daafaca kooxda Basel ee Fabian Schar kaasi oo 21jir ah.
Waxaa Qoray: Daily Star
Liverpool iyo Manchester United ayaa loo sheegay qiimaha lagu fasaxi karo qadka dhexe ee kooxda Sevilla Ivan Rakitic.
25 jirkan ayaa lagu heli karaa marka la gaaro bisha Janaayo hanta gaareysa 33milyan oo gani.
Waxaa Qoray: Daily Express
Tababarihii hore ee kooxda Tottenham Andre Villas-Boas ayaa laga yaabaa in uu tababare u noqdo kooxda AC Milan.
AC Milan ayaa xilli ciyaareedkan si gaabis ah ku bilaabatay horyaalka Serie A.
Waxaa Qoray: The Times
Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa sheegay in uusan ku faraxsaneyn qaab ciyaareedka dhaliyaha da’yarka ah ee Alvaro Morata.
Sidaadi darteed 21 jirkan ayaa laga yabaa in uu ku biiro koox kale oo ka dhisan La Liga ama Premier League.
Waxaa Qoray: Fichajes.net
Bayern Munich ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay jiraan kooxo badan oo soo bandhigay xiisaha ay u qabaan saxiixa Jan Kirchhoff.
Daafacan dhexe ee kooxda Bayern Munich waxaa hada Amaah ku doonaya kooxda Schalke 04 ee horyaalka Bundesliga.
Waxaa Qoray: Bild
Kooxda difaacaneysa horyaalnimada dalka Talyaaniga ee Juventus ayaa qorsheyneysa in ay kooxda Man United uga badalato Nani dhaliyaheeda Vucinic.
Nani ayaan boos fiican ka heysan Man United halka Mirko Vucinic uu isna dhibaato ku heysato kooxda Juventus.
Waxaa Qoray: Tuttosport
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨