2: 1,933 Jeer.
Wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda iyo maanta oo Isniin ah
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Naadiga Man United ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa daafaca xulka Italy iyo naadiga Cagliari Davide Astori waxayna kooxdan diyaar la tahay 12-milyan oo euro ah waana qiimaha qandaraaskiisa lagu jebin karo sidoo kale naadiyada Milan, Napoli, Liverpool iyo Southamptom ayaa qalo qaalo ugu jiraan 26-jirkan laga daba dhacay.
(Daily Star)
Man United oo wada xaajood la furtay naadiga Barcelona sidii ay Rooney kaga iibin laheed inkastoo United ay 27-jirkan ku dooneyso 30-milyan oo euro ah.
(The Sun)
Kooxaha PSG iyo Monaco oo isku heestaan daafaca kooxda Real Madrid Fabio Conetrao oo diyaar u ah inuu Madrid isaga hayaamo.
(The People)
Eric Abidal oo qarka u saaran inuu heshiis rasmi ah la gaaro naadiga Monaco, 34-jirkan ayaa magaalada Monaco ku sugan si uu heshiis ula gaaro kooxda reer France.
(Marca)
Kooxda Milan ayaa ku guuleesatay saxiixa weeraryahanka naadiga Fiorentina Adem Ljajic kaasi waxaana uu kooxdan kusoo biiri doono sanadka dambe bartamihiisa waana 21-jirkan u dhashay dalka Serbia .
(Tuttosport)
De Rossi ayaa ka dhawaajiyay inuu kooxda Chelsea doortay madaama ay kooxdan u ogoshahay 6-milyan oo euro ah waana lacagaha uu haatan 30-jirkan ka qaato kooxdiisa Roma sidoo kalena inuu Mourinho ka hoos cayaaro ayuu xiiso gaar ah u qabaa.
(Gazzeta delo Sport)
Naadiga Man City ayaa Grathe Barry u diri doonto dalka Mareekanka waxaana xidigan ay City ku wareejin doonto naadiga New York City iyadoo kala carareysa laacibkan inuu Arsenal si lacag la’aan ah sanadka dambe ugu biiro.
(Metro)
Jermaine Defoe ayaa lagu soo waramaya in udhow yahay inuu naadiga Stoke City ku biiro iyagoona ku qaadan doona 6-milyan oo pound.
(The Sun)
Goolhayaha naadiga SS Lazio Federico Marchetti ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegay inuu kooxda Arsenal kusii jeedo.
(London Evening Stadard)
Kooxda reer France ee Paris St-Germain ayaa xaqiijisay in ay ku adkaatay loolankii loogu jiray weeraryahanka 26 jirka ah ee kooxda Napoli, Edison Cavani.
(La Parisien )
Kooxda reer Talyaani ee Parma ayaa la soo saxiixatay daafaca reer Brazil ee Felipe del Belo, 29 jirkaan ayaa ka yimid kooxda Fiorentina.
(Footballitalia)
Weeraryahanka Barcelona kooxda Barcelona , David Villa ayaa usaxiixi kara kooxda Tottenham , kadib heshiiska qanuuniga ah ee kooxda
(Elmundo)
Kooxda Arsenal ayaa la sheegay in ay Liverpool weydiisatay Luis Suarez iyadoo ubandhigtay 30 milion , laakiin waxaa la sheegay in Liverpool ay arinta diiday.
(London Evening Standard)
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨