1: Sunday, July 14, 2013 - 12:30:46
2: 1,555 Jeer.

Wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

Suuqa iibsiga
Macalinka liverpool , Brendan Rodgers ayaa doonaya in uu sameeyo ilaa sadex saxiix oo deg deg ah kuwaa oo noqon doona 21 jirka lagu magacabo Christian Eriksen, iyo daafaca 24 jirka ah ee Toby Alderweireld oo labaduba uciyaara Ajax iyo daafaca garabka bidix ee kooxda Chelsea, Ryan Bertrand.

( Sunday Mirror )

Manchester City ayaa ku soo xireysa £27m saxiixa xidiga 23 jirka ah ee kooxda Fiorentina, Stevan Jovetic waxaana ay hada ubaahan yihin oo qura in ay la garaan heshiis shaqsi ah.

( The Sun )

Kooxaha Arsenal iyo Manchester United ayaa loo sheegay in kooxdii la timaada £23.5m uu ku biiri doono xidiga khadka dhexe ee kooxda Everton,Marouane Fellaini, 25 jirkas ayaa doonaya in uu kooxda ka tago.

( Sunday Mirror )

Tottenham ayaa ku fakareysa in ay iska iibiso Emmanuel Adebayor si ay badalkiisa usoo qaataan 22 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Aston Villa, Christian Benteke, xidigan ayaa sheegay in uu doonayo Spurs.

( Sunday People )

Jose Mourinho ayaa doonaya in uu taagerayasha Chelsea markale tuso xidiga 35 jirka ah ee Didier Drogba kaas oo uu doonaayo in uu ku soo celiyo Stamford Bridge.

( Sunday Mirror )

Arsenal ayaa usheegtay Gonzalo Higuain in uu joojiyo walaaco uuna muujiyo go,aankiisa hadii uu doonaayo in uu ku soo biiro ,kadib markii la sheegay in uu xidigan ku jiro xaalad labo bogleyn ah ,(Real maa iska joogtaa mise Arsenal ayaad aadaa)

( Metro )

Chelsea ayaa wali joojin xiisaha ay uqabto weeraryahanka 27 jirka ah ee kooxda Manchester United,Wayne Rooney kaas oo ay ku doonayaan £25m, Jose Mourinho ayaa muujiyay in uu aad ujecel yahay xidigan.

( Sunday Mirror )

Manchester United ayaa qorsheyneysa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo af jarto muranka aan dhamaan ee Wayne Rooney ,waxaana laga saxiixi doonaa heshis cussub.

( Mail on Sunday )

Weeraryahanka 27 jirka ah ee wadanka Bosnia,Edin Dzeko ayaa go,aansaday in uu iska sii joogo kooxdiisa Manchester City kadib markii uu balan qaad ka helay tababare Manuel Pellegrini.

( Sunday Telegraph )

Everton iyo Newcastle ayaa loo sheegay in laga iibin doono midi bixisaa £5m daafaca 27 jirka ah ee kooxda Porto iyo xulka Portugal, Rolando.

( Sunday Express )

Weeraryahanka Flop-ka ah ee kooxda Arsenal Nicklas Bendtner ayaa ku sii jeeda kooxda Premier League ku soo laabatay ee Hull City , 25 jirkaan ayaa markii sadexaad doonaya in uu la midoobo tababare Steve Bruce kaas oo amah ku qaatay labo jeer xili uu tababare u ahaa Birmingham iyo Sunderland.

( Daily Star )

Harry Redknapp ayaa qarka usaaran in uu ku garaaco kooxaha Premier League saxiixa weeraryahanka kooxda Celtic, Gary Hooper ,25 jirkaan ayaa ugu dhaqaaqi doona kooxda QPR aduun dhan £5m.

( Mail on Sunday )

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed