1: Wednesday, June 19, 2013 - 13:18:19
2: 364 Jeer.

Wararkii ugu dambeeyay ee Xarunta UNDP iyo Halka uu Dagaalka maraayo.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

uyuy

Waxaa weli warar kala duwan ay ka soo baxayaan Halka uu gowr dhow qaraxa ka dhacay Afaafka hore ee Xarunta (UNDP) oo ku yaala meel aan sidaa uga fogeyn Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ee Magaallada Muqdisho.

Xaalada Xarunta UNDP ayaan weli sahlaneyn,iyadoo ragii hubaysnaa ee la wareegay xarunta ay weli gudaha Xarunta ku sugan yihiin.

Wariyaha Shabakadda Soomaalidamaanta oo ku sugan ilinka hore ee Xarunta Weerarka lagu qaaday UNDP ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in Guuxa rasaasta si xooli ah looga maqlaayo gabi ahaan agagaarka Garoonka isagoona sheegay in wadooyinka wadada aada Airportka Magaalada Muqdisho ay gabi ahaan xiran tahay.

Sidoo kale, waxa uu Wariyaha kusoo waramayaa in Xarunta gudaheeda ay weli rasaasta ka dhaceyso, iyadoona aan weli gudaha u gelin Ciiddamadda Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ilaa shan qarax oo qaar kamid ah ay yihiin ismiidaamin ayaa laga maqlay gudaha xarunta UNDP ee Muqdisho,halka qaraxyada kale loo badinayo inay yihiin bambooyinka gacanta laga tuuro iyo qoryaha garbaha laga rido.

Lama ogaan karo Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxyadaasi iyo dagaalka halkaasi ka socda ee udhaxeeyay raga hubaysan ee goobta la wareegay iyo ciidanka Dowladda oo garabsanaaya kuwa AMISOM.

Xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho oo ammaankeeda uu ahaan jiray mid adag, ayaan la ogeyn sababaha fududeeyay rag hubaysan inay gudaha ugalaan.

Xaalada ayaa ilaa hada cakiran,waxaana ciidanka Dowladda Soomaaliya ay usuuragashay inay gaaraan ilinka hore ee xarunta UNDP ayna ugudbaan qeybta gudaha,halka ragii kale ee hubaysanaa ay weli ku sugan yihiin gudaha xarunta oo ay dagaalamayaan.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed