Waxaa la daabacay: Saturday, May 24, 2014 - 14:07:41
Waxaa la aqristay: 358 Jeer.

Wararkii ugu dambeeyay ee Weerarkii Xarunta Baarlamaanka DFS

Waxaa Qoray:

Weerar dheeraad ah oo laga helayo Weerarkii Xarunta Baarlamaanka ayaa sheegayo in Khasaaraha uu aad u badan yahay iyadoona ay inta badan Khasaaro kasoo gaartay Ciidanka DFS iyo Alshabaabkii weerarka qaadeysay.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Gaariga Qaraxa geestay uu yahay gaari nooca raaxada ah loona yaqaan ‘’Toyota NOAH’’.waxaana lagu qarxiyay Irrida laga galo Dhismaha, waxaana xigay in Niman hubaysan ay gudaha u galaan Xarunta oo ay dileen Qof kastaa oo kasoo horbaxo.

Ciidamada DFS iyo AMISOM oo goobta joogay ayaa Dagaal la galay Kooxda Weerarka soo qaaday, iyadoo uu dhacay Dagaal Maryo-Dhiig leh lagu kala furtay oo Daraasiin Dad ah ay ku dhinteen sido kale ay ku dhaawacmeen.

Goobjooge ayaa Shabakadani u xaqiijiyay in Indhihiisu ay qabanayaan Meydad badan oo uu ku qiyaasay 35 Qof oo isagu jira Ciidamo iyo kuwii Weerarka soo qaaday Al shabaab.

Illaa hadda inta la ogyahay 17 Qof ayaa ku dhimatay Weerarka, iyadoo in ka badan 24 kalena lagu dhaawacay kuwaasi oo ay ku jiraan 2 Xildhibaan.

Dhanka kale, Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Weerarka. Xildhibaanada ayaa laga saaray Meel la jebiyay oo Dhabarka danbe ah waxaana la sheegayaa in wali Xildhibaano kale ku jiraan Dhismaha.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨