1: Monday, July 22, 2013 - 12:19:48
2: 1,295 Jeer.

Wararkii ugu dambeeyay arinta Chelsea iyo Wayne Rooney

Waxaa Qoray: Hoos ka fiiri

rooney -0-15D3BA05000005DC-837_468x314
Inkastoo Man United ay marar badan ku cel celisay in Wayne Rooney uusan beec ahayn hadana tababare Jose Mourinho ayaan ka quusan sidii xidigan uu u xiran lahaa maaliyada Buluuga ah ee kooxda Chelsea ku cayaarto sidaa darteed Chelsea ayaa sare u qaaday qiimaha ay ku dooneyso Wayne Rooney waxayna markan diyaar la tahay naadiga ka dhisan Galbeedka magaalada London aduun lacageed oo gaarayo 40-milyan oo pound, madaama Rooney qandaraaska uu haatan Man United kula joogo uga harsan yahay mudo 2-sano ah waxaa  hubaal ah in United ay ka faa’iideesan doonto lacagaha farabadan ee dhigeeda Blues miiska usoo saartay.

Dhawaan ayay Man United iska diiday 25-miyan oo ay Chelsea usoo bandhigtay sidaa darteed markan Blues ma kaftameyso waxayna dooneysaa in 27-jirkan ka tirsan xulka England ay si rasmi ah Man United uga soo qaadato ka hor inta aysan bishan July dhamaanin, sidoo kale Daily Telegraph ayaa sheegay in Chelsea ay weeraryahankan siin doonto 200,000 oo pound mana jirto koox ilaa haatan Rooney u balan qaaday isla lacagta uu Man United ka qaato marka laga reebo kooxda Arsenal,weeraryahankan ayaa ku cadaadin doono kooxdiisa inay dalabka Chelsea aqbalaan waayo xidigan ma heesto kalsooni uu garoonka Old Trafford kusii joogo madaama uusan xiriir wanaagsan la laheen macalnkiisa David Moyes iyo taageerayaasha kooxdan daacada u ah.

Waxaa Qoray Sakariye Cabdi

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed