1: Tuesday, July 2, 2013 - 14:11:22
2: 1,344 Jeer.

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaayo Xaaladda Xassan Daahir Aweys uu xiligaani ku sugan yahay.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

hhh

Waxaa warar dheeri ah oo ku saabsan Xaaladda Xassan Dahir Aweys soo gaaraya Xarunta Shabakadda Soomaalidamaanta ee Magaalladda Muqdisho.

Wararka aan ka heleyno qaraabada Xassan Dahir Aweys, ayaa sheegaya in Xiligaani ay xaaladiisu aad u adagtahay kadib markii la sheegay in lagu qabtay Qalabka Korontada ku shaqeeya.

Xassan Dahir Aweys, ayaa waxaa Jirdilkiisa loo adeegsaday Koronto iyo qalab kale, oo yaalla Xerada Xalane iyo Xarunta Sirdoonka Somalia, iyadoona ay wararku  nagu soo gaarayaan in Xassan Dahir iminka raashiinka iyo cabitaanka lagu siinaayo Tubooyin halka uu Ogaalkana ka tagay.

Xassan Dahir oo iminka liito, ayaa waxaa loo diiday inay la joogan ama ay booqdaan Odayaasha Ehelkiisa, waxaana iminka lagu soo waramaaya inuu la jooga Wiil uu isaga dhalay, iyadoona ay Caafimaadkiisu la tacaalayaan Dhakhaatiir Cadaan iyo kuwa AMISOM.

Dowladda Somalia, wey ka biya diiday inay Cafis u fidiso Xassan Dahir, isla markaana ay wada hadal la gasho Beelaha uu ka soo jeedo Xassan Dahir oo xaalad adag ku jira.

Ugu dambeyntii, Xassan Dahir ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu galay Koomo isla markaana uu ku jiro Xaalad meer beel ah oo laga deyrinaayo.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed