1: Wednesday, June 26, 2013 - 12:08:06
2: 1,138 Jeer.

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaayo qaabkii gacanta loogu dhigay Xassan Daahir Aweys.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

iiii

Iyadoo ciidamada maamulka Ximan iyo Xeeb ay gacanta ku dhigeen Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa hadana waxaynu ka heleynaa faah faahino dheeraad ah oo arinkaasi ku saabsan.

Sheekh Xasan Daahir Aweys waxaa la socda saraakiil badan oo uu ka mid yahay Maxamed Caruus oo ah Afhayeenkii Xisbul Islaam oo horay u joogay gobalka Gal-gaduud qeybo ka mid ah.

Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/laahi oo aynu goordhaw qadka Taleefanka kula hadalnay ayaa inoo sheegay in Cadaado ay kusoo dhaw yihiin oo aanay weli soo gaarin, islamarkaana isaga iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys ay hal gaari sila saaran yihiin.

Waxaa jira warar hoose oo aynu helayno misane sheegaaya in Xasan Daahir aan xoog lagu qaban laakiinse qaab wadahadal ah uu isaga dalbaday, iyadoona isaga iyo ciidankiisa gacanta u galeen Maamulka.

Dhanka kale warar madaxbanaan ayaa sheegaaya in howshaan ay dowladda wax ka og tahay islamarkaana la doonaayo in wadahadal ay la galaan si uu isaga daayo Al-shabaab.

Reer Cadaado waxay yihiin kuwo dhegaha u taagan, waxaana ay filanaayaan in Xasan Daahir daqiiqdo ka dib loo keeno, iyadoona dhanka kale mas’uuliyiin ka mid ah dowladda Soomaaliya ay deg deg ku aadi doonaan degmada Cadaado.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed