1: Thursday, May 9, 2013 - 08:53:41
2: 528 Jeer.

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaayo Ciidamadii la wareegay Dekkada weyn ee magaalada Bosaaso.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

 

uuuuuu

Wararka dheeraadka ah ee ka imaanaaya dhanka Ciiddamadda Darawiishta ee ku sugnaa buuraha Golis oo la wareegay Galabnimadii shalay Dekkada weyn ee magaalada Bosaaso, ayaa sheegaya in isku gadaamintooda ay ka dambeysay ka gadaal markii ay wax mushahar ah qaadan muddo ku dhaw 4 bilood.

Wararka ayaa sheegaya in Ciiddamadda gadooday uu imaaday kadib markii todobaadkii tagay kasoo baxay Golaha Wasiirada ee xukuumada Madaxweyne Farole oo shaacisay inay dhintay mushaharkii lasiin jiray shaqaalaha dowlada.

Ciiddamadda oo muddo ku dhow Asbuuc ku hawlanaa Qaabkii ay ula wareegi lahaayeen Xarumaha Dowladda ayaa waxaa shalay usuura gashay inay isku gadaamaan qeybo kamid ah xarumaha dowlada iyo Dekkada weyn ee magaalada Bosaaso.

La wareegida Xarumaha Dowladda kadib ayaa waxa ay Ciiddamadda ku doodayeen inay Naftooda u hureen badbaadinta Bulshadda iyagoona sheegay inaan la siin wax mushaar ah muddo 4-bilood.

Dhanka kale, Ciidamada soo galay Bosaaso ayaa horey fariisimo ugu lahaa buuraleyda Golis iyo qeybo kamid ah togaga taga deegaanka Galgala oo ay ku sugan yihiin Al Shabaab, ayaa soo baneeyey goobihii ay difaaca uga jireen iyagoo xalay soo degay kontaroolka koonfureed ee magaalada Bosaaso.

Saraakiisha watay Ciidamada ayaa waxa ay Hawl wadeenada Dowladda ku wargaliyeen in wax dhaq dhaqaaq ah aan laga sameyn Karin dekkada waxayna in muddo ah gebi ahaan kala xireen dhaq dhaqaaqii dhinaca dekkada weyn ee magaalada Bosaaso oo ah isha dhaqaalaha Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha ciidamadan wata ayaa markii danbe ogolaaday wadahadal dhexmaray iyaga iyo sarakiil ka socota ciidamada sirdoonka Puntland ee PIS loo yaqaan, kuwaaso oo ugu tagay goobihii ay fariisteen.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed