2: 459 Jeer.
War Deg Deg: Jose Mourinho Oo Soo Gaaray Magaalada London
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Macalinka cusub ee kooxda kubada cagta ee Chelsea Jose Mourinho ayaa waxa uu dhawaan soo gaaray magaalada London, kadib markii uu ka soo amba baxay caasimada wadanka Spain ee Madrid, sida ay daabacday Mail Online
Jose Mourinho ayaa waxa uu ka soo dagay Madaarka caalamiga ee Heathrow Airport, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan kooxda Chelsea
Macalin Jose Mourinho ayaa afarta sano ee soo socota waxa uu hor jooge u noqon doonaa kooxda The Bules
Imaanshaha macalin Jose ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xilli saaka ay raali galin ka bixiyey wargeyska Sunday the Premier League, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay qorayey in macalin Jose uu yahay macalinka rasmiga ee kooxda Chelsea
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨