1: Friday, June 14, 2013 - 09:48:48
2: 362 Jeer.

Wada hadaladii Arsenal iyo Ashley Williams oo bur buray

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

ashley-williams-and-cazorla
Arsenal ayaa hada wajaheysa shaqo cusub kadib markii ay beenoobeen wararkii sheegaya in ay heshiis hor dhac ah la gaartay daafaca Swansea, Ashley Williams.

Inkastoo la sheegay dhamaadki bishii hore in uu xidigaan ku biirayo kooxda waqooyiga London hadana waxaa hada la shaaciyay in uu baaqi ku sii ahaan doono kooxdiisa ,ayna wada hadaladii bur bureen.

28 jirkaan ayaa la aaminsanaa in kooxda Swansea City ay qaadan doonto lacag dhan £8.3 million si uu ugu biiro Arsenal,laakiin ugu dambeyn waa diideen sidaas waxaa daabacday Daily Star.

Macalinka Swansea , Michael Laudrup ayaa sheegay in la isku fahmi wayay heshiiska Ashley Williams, uuna ku faraxsan yahay in uu kooxda sii joogo .

Warar hoose ayaa sheegaya in hadii ay Arsenal lacagta ka dhigto £10 million in ay heli karto xidigaan .

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed