2: 1,525 Jeer.
Van Persie oo ku soo laabtay kooxda United iyo Moyes oo bilaabay in uu ulabisto sidii Alex Ferguson + SAWIRO
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Weeraryahanka Holland ,Robin Van Persie ayaa gaaray magaalada Sydney ee wadanka Austaralia halkaas oo ay hortiis gaartay kooxda Manchester United .
Van Persie ayaa seegay kulankii ugu horeeyay ee xagaaga fasaxa oo ay kooxdiisu qasaaro kala kulantay Singha All-Stars ciyaar ka dhacday Bangkok.
Van Persie ayaa la filaya in uu wax badan ka xaliyo dhibaatada xaga weerarka ee kooxda United taas oo ay wali ka maqan yihiin Rooney iyo Harnandez .
Dhan kale tababare David Moyes ayaa la sheegay in uu bilaabay in uu ulabisto qaabka macalinkii hore ee kooxda Man United ,Sir Alex Ferguson .
Wariyaha dabagalka ee jariirada Daily Mail, ADAM CRAFTON ayaa sheegay in Moyes uu doonayo in uu taagerayasha United ku qanciyo labis laakiin midaas ay tahay mid aan ku jirin wax laga sugayo.
“Labada nin ee Scotish-ku meelo badan isagama eg gaar ahaan marka ay timaado waxa laga faliyo Moyes ,laakiin ugu yaraan wuu ulabisan karaa sidii Alex oo kale ,laakiin nus qarni ayey qaadan kartaa in uu sameeyo sidii Alex Feguson ayuu yiri ADAM CRAFTON.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨