Waxaa la aqristay: 1,139 Jeer.
Van Gaal oo wacad ku maray inuu Man United ka dhigi doono kooxda ugu fiican caalamka. Sidee ku dhici kartaa? SAWIRO+
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"

Van Gaal ayaa lagu wadaa inuu noqdo macallinka cusub ee xilli ciyaareedka soo socdo iyadoo heshiis biloow ah uu lagalay maamulka Manchester United, wuxuuna kooxda ku wargeliyey inuu loo keeno dalabkiisa si ay kooxda u noqoto naadi la xafiiltami kara kooxaha Yurubka ugu tunka weyn.
Van Gaal ayaa lagu xusuustaa sida uu dhisay Bayern Munich iyo Barcelona una baray qaab ciyaareedka sareeya ee ilaa iyo haatan ay ku ciyaaraan isagoo labada naadi hore usoo leyliyey.
Van Gaal wuxuu sheegay inuu ugu horeyn dhisi doono dhanka tababarka uu doonayo inuu kaaliye ka dhigto Giggs, halka ciyaartooy muhiim ah uu dalbaday.
Wuxuu ugu horeyn doonayaa in loo soo xero galiyo, Kroos oo uciyaara Bayern Munich hadii lawaayana badalkiisa loo keeno wiilka reer Holland ee qadka dhexe ugu ciyaara kooxda Roma Strootman, sidoo kale Hummels oo difaaca ugu ciyaara kooxda Borrussia Dortmund.
Van Gaal ayaa masraxa riyada u doonaya inuu ka dhigo koox la timaada baasaska cajiibka ah ee lagu yaqaano tababarahaan wuxuu sidoo kale dalbaday ciyaaryahan Cavani oo weerarka ugu ciyaari doona, halka Shaw uu doonayo inuu difaaca bidix ugu ciyaaro.
Waa tan hanka Van Gaal uu doonayo inuu sannadka danbe lasoo shir tago.
De Gea
Rafael Jones Hummels Shaw
Strootman(Kroos) Carrick
Mata
Van Persie Rooney
Cavani
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨