2: 374 Jeer.
Usain Bolt : Wali waan sugaya in aan hal kulan uciyaaro Manchester United
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Oradyahanka 100 mitir ee aduunka Usain Bolt ayaa sheegay in uu wali aaminsan yahay in uu maalin uun uciyaari doono hal kulan kooxda Manchester United ee wadanka England.
Ninka ku guuleystay bilada dahabiga ah ee tartanka Olympic-kada ee magaalada London ayaa waxaa horey ugu balan qaaaday in uu hal kulan uciyaari doono kooxda United tababare Sir Alex Ferguson.
Laakiin madaama uu fariistay Fergie ayaa oradyahanka wadanka Jamaica la weydiiyay in ay dhimatay riyadiisii aheyd in uu hal kulan uciyaaro kooxda uu aadka utaageero ee Man United ,
“Wali ma dhiman riyaadaas maxaa yeelay United waa ogtahay in aan ahay taageerahooda oo aana ubaahaneyn kubbada cagta ,ugu dambeyn waa ay garan doonaan in ay hal kulan iciyaarsiyaan ayuu Usain Bolt usheegay Daily mail.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨