1: Wednesday, June 11, 2014 - 15:58:34
2: 86 Jeer.

UNHCR oo Shaacisay in Talyaanigu si foolxun ula dhaqmo Qaxootiga Somalida

Waxaa Qoray:

Loogo UNHCR

Hay’adda UNHCR ee`Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa ku eedeysay Dowladda Talyaaniga in ay dayacday boqolaalqaxooti ah oo aan haysan raashiin iyo lacag ay wax ku iibsadaan iyadoona kaga tagtay ay goobo la dhigto gaadiidka .

Afhayeenka UNHCR ee dalka Talyaaniga Carlotta Sami ayaa sheegtay in dadkaan qaxootiga ah ay u soo gurmadeen hay’ado qaabilsan magan-galyo siinta dadka qaxootiga ah kadib markii saraakiil ka socota Talyaaniga ay dadkaas dayaceen.

Carlotta, ayaa xustay in dowladda Talyaaniga ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii ay ugu yaraan wax ay cunaan iyo meel ay ku hoydaan ugu heli laheyd dadka qaxootiga marka ay gudaha Talyaaniga soo galaan.

Talyaaniga, ayaa waxaa soo buux dhaafinayaa kumanaan qaxooti ah oo ka soo gudbaya badda ay wadaan Liibiya kuwaasi oo kazoo kale jeeda wadamada Soomaaliya, Suuriya iyo dalalka saxaraha ka hooseeyo waxaana la sheegay in gudaha dalka Liibiya ay ku sugan yihiin kumanaan muhaajiriin doonaya in ay u gudbaan Talyaaniga si ay halkaasi uga helaan nolol dhaanka ta ay hada ku jiraan.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨