2: 356 Jeer.
Tottenham oo baadi goob ugu jirta Julio Cesar
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Kooxda ka dhisan waqooyiga London ee Tottenham Hotspur ayaa qorsheynaysa in ay isku dayaan sidii ay kadis ulasoo wareegi lahaayeen goolhayaha Kooxda Inter Milano Julio Cesar.
Goolhayaha reer Brazil ayaa yaala suuqa kala iibsiga, kadib markii Kooxda Inter ay safeen kulankii ugu horeeyay goolhayooda cusub oo ay kala soo waregegeen kooxda Udinese Samir Handanovic.
Wargeyska Gazetta dello Sport ayaa shaaciyay in Tottenham ay goolhaye Cesar ku heli karaan lacag la’aan, iyadoo Inter ay iminka diyaar u tahay in ay sii daayaan ciyaaryahanka.
Kooxda Spurs ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay raadinaysay goolhaye ay si toos ah ugu aamini karaan inta u dhaxaysa labada bir ee shabaqa, iyadoo labadii sane ee lasoo dhaafay ay isku badali jireen goolhayaasha kala ah Friedel iyo Gomez .
Tabaraha cusub ee Tottehnham Boas ayaa isagu hore u sheegay in uu saanadan lasoo wareegi doono ciyaaryahanno tayo leh oo oo uu ku dagaal gali kara xagaaga soo socda.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨