2: 166 Jeer.
TOP:AC Milan oo casishay Clarence Seedorf kuna badashay Filippo Inzaghi
Waxaa Qoray: Mohamed Jowhar
AC Milan ayaa si rasmi shaaca ugu qaaday iney xilka ka qaaday tababaraheedii xili ciyaareedkii dhamaaday ee Clarence Seedorf waxaana ay ku badashay booskiisa weeraryahankii hore ee kooxdan Filippo Inzaghi.
Milan ayaa ka saxiixday ciyaaryahankeedii hore heshiis mudo labo sano ah oo uu ku hogaaminayo Milan.
40 Jirkan tababaraha Milan laga dhigay haatan ayaa labo sano macalin u soo ahaa kooxda da’yarada Milan ee 19 jirada.
Seedorf oo maanta xilka laga xayuubiyay ayaa mudo 10 sano Milan u ahaa ciyaaryahan waxaana tababare uu u noqday bishii January markaas uu badalay Massimiliano Allegri.
Tababaraha Holland ayaa Milan ka qeybgali waayay European League waxaana ay kooxda ku dhameysatay kaalinta siddeedaad.
Seedorf ayaa badiyay 11 jeer,lix waa laga badiyay labana bar baro intii uu tababaraha u ahaa Milan.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨