Waxaa la aqristay: 644 Jeer.
TOP :Qoyska Malcolm Glazer oo goostay iney iibiyaan Man United
Waxaa Qoray: Mohamed Jowhar

Walee Man United xaalkeeda waa alow sahal,iyadoo iska jahwareersaneyd sanadkii tagay ayuu haatana dhintay Madaxweynihii kooxda iska lahaa.
Maalin kadib geeridiisa maanta waxaa ay wararka sheegayaan in qaar kamid ehelka Malcolm Glazer ay doonayaan iney iibiyaan Man United.
Qoyska Mareykanka ayaa Man United la wareegay 90% Sanadkii 2005-tii.
Sidoo kale kooxda Tampa Bay Buccaneers oo uu lahaa iyana Glazer ayaa la iibinayaa.
Wararka waxaa ay intaa ku darayaan in seddex kamid ah qoyska Glazer ay u ololeynayaa in kooxda Old Trafford la iibiyo iyadoo seddexdan ruux ay ahayeen ragii lahaa go’aanka Man United uu macalin ugu noqday Louis van Gaal.
Jim Whiteoo ah wariye wax ku qora Telegraph ayaa u sheegay warkan talkSPOR.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨