Waxaa la aqristay: 478 Jeer.
TOP NEWS:- Dhulbahante iyo Isaaq oo qarka u saaran inay guryaha isu gubaan iyo Dagaal laga cabsi-qabo.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein

War goor dhow naga soo gaaray Magaaladda Hargeysa, ayaa sheegaya in Colaado uu ka dhex curtay Beesha Isaaq iyo Dhulbahante, iyadoona iminka la dareemayo saan-saan Colaadeed ka dhexeeyo.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciise Axmed “Xagla-toosiye” ayaa sheegay in Deegaanadda hoos taha Cayn ay kamid yihiin Maamulka Somaliland, waxaana arrintaasi kasoo horjeedo Dhulbahante.
Sidoo kale, Saleebaan Ciise Axmed oo iminka ku sugan Buuhoodle ayaa waxa uu Tilmaamay in Maamulka Somaliland uu ku jiro dhul-balaarsi islamarkaana dhawaan qaban doono Degaanadda hoos taga Cayn.
Wasiirka ayaa waxa uu sidoo kale intaa kusii daray in Somaliland ay talaabo ka qaadi doonto cid waliba oo kasoo horjeesato Mowqifka Maamulka.
Dhanka kale, waxa uu Wasiirka Eedeymo usoo jeediyay Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo uu ku eedeeyay in uu hurinaya Colaad, wuxuu sheegay in Galeyr uu Buuhoodle u joogo inuu ka abuuro fidno iyo Xiisado Colaadeed.
Isaga oo arrintaasi ka hadlaayo ayuu waxa uu yiri “Dhuubhaate ma raacsana oo ma taagersana fidno wade Galeyr, waxeyna Shacabka Dhuulbahante ka tirsan yihiin Somaliland”.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨