1: Sunday, June 30, 2013 - 21:19:11
2: 676 Jeer.

Tevez: maya Ronaldo weerarkeyga riyada waa Rooney iyo Messi

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

tevez1720_heroa
Weeraryahanka wadanka Argentina Carlos Tevez ayaa albaabka ka xirtay ninka ay isku kooxda ahaan jireen ee Cristiano Ronaldo.

Tevez oo ku biiray kooxda Juve ayaa jariirada Tuttosport waxaa ay weydiisay labada weeraryahanka ee ugu fiican aduunka xiligaan la joogo.

“Waxaan ka soo garab ciyaaray weeraryahano badan sida Aguero, Rooney , Messi, Ronaldo iyo kuwa kale laakiin xaqiiqdii labada ugu wanaagsan waa Rooney iyo Messi ayuu yiri Carlo.

“Qof walba waxaa uu lee yahay riyo aniga waxaan kooxdeyda riyada weerar uga dhigi lahaa Rooney iyo Messi mana jiro qof sadexaad .

“Ronaldo waa fiican yahay laakiin labadaas ayaa ugu xoogan weerarka aduunka xiligan ayuu yiri Tevez.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed