1: Wednesday, April 2, 2014 - 09:22:38
2: 443 Jeer.

Taliyihii ciidamadda Polis-ka qeybta bari oo la Ogaaday inuu la shaqeynaayay Alshabaab.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas, ayaa waxaa xilka looga qaaday Taliyaha ciidamadda Polis-ka qeybta bari  Cusmaan Coke waxaana xilkaasi loo magacaabay C/raxmaan Cali xusein ‘’C/raxmaan Muslim’’.

Taliyaha Xilka laga qaaday ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynaayay Xoogaga Alshabaab, iyadoona baaritaano kadib Mobilkiisa laga Ogaaday inuu ka dambeeyay Shir qool lagu Kharijiyay Taliyihii Ciidanka Daraawiishta.

Sargaal ka tirsan Ciidamadda Puntland ayaa xaqiijiyay in Telefoonada Cusmaan Coke laga helay Codad iyo Cadeymo muujinaayo in Xiriir heer sare ah uu kala dhexeeyay Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa iminka xiran Taliyinii xilka laga qaaday Cusmaan Coke, waxaana la sheegayaa inuu ku socdo baaritaano lagu xaqiijinaayo xiriirka kala dhexeeya Alshabaab.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed