1: Saturday, May 31, 2014 - 07:20:51
2: 164 Jeer.

Taliyaha Hay’ada Nabadsugida Qaranka oo ka Bad-baaday Qaraxii xalay ka dhacay agagaarka City Palace

Waxaa Qoray:

Warar Dheeraad ah ayaa kasoo baxaayo gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay meel ku dhaw Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdishu.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku dhimatay qaraxa gaariga halka tiro kale ay ku haawacmeen, sida ay Shabakadani u xaqiijiyeen goob joogayaal goobta ku sugnaa.

Qaraxa ayaa dhacay kadib markii uu daqiiqado ka hor ka baxay Taliyaha Hey’ada Nabad sugida Qaranka Bashiir Goobe, waxa uuna marayay KM-0.

Gaadiidka gurma deg dega ayaaa goobta gaaray qaraxa kadib iyagoo goobta ka qaaday tiro dhaawacyo ah.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨