2: 276 Jeer.
Taliska Ciiddamada Dowladda ee Jubooyinka oo sheegay in Yasiin Radeer loogu talagalay in la qaarijiyo.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Taliska Ciiddamada Somalia ee ku sugan Jubooyinka ayaa waxa ay sheegen in Dhaawaca loo geystay Yasiin Radeer uu ahaa mid loo maleegay oo loogu talagalay in lagu qaarijiyo.
Taliska, ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in xilliga la dhaawacaayay Yasiin Rader, ay gurigiisa ugu tageen Ciiddamo iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland garabka Axmed Madoobe, isla markaana ay usoo dhaqaajiyeen meel aan sidaa uga fogeyn hoygiisa oo ay tiilay Isbaaro halkaasina lagu dhaawacay.
Dhaawaca Yasiin Rader, ayaa waxa ay Talisku sheegen inuu dhacay xilli aan buuq badan dhicin marka uu meesha gaarayna lagu hubsaday Rasaas, balse Nasiib daro uusan dhaawacaasi u geeriyoon.
Waxaa sidoo kale ay Talisku xaqiijinayaan in Weerarka lagu dhaawacay Yasiin Rader uu ahaa mid Mas’uuliyadiisu ay ka dambeeyen Saraakiisha Raaskambooni sida ay hadalka u dhigeen, iyagoona sheegay inuu ahaa weerarkaasi mid isaga loo maleegay oo u jeedkiisuna ahaa in lagu qaarijiyo Yasiin Rader.
Ugu dambeyntii, Taliye Bule oo Ciiddamada Somalia dhanka howgalinta u xilsaaran ayaa sheegay in dhinacyada Kismaayo ay dajiyaan xaalada magaalada, isagoona Saraakiisha Kismaayo ee garabka Axmed Madoobe ugu baaqay inay u Ololeeyan xasilinta Xiisadaha.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨