1: Saturday, June 22, 2013 - 12:27:09
2: 333 Jeer.

Tababare Scolari oo ka hadlay banaanbaxa looga soo horjeedo koobka aduunka

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

Felipe-Scolari1
Tababaraha xulka Brazil , Luiz Felipe Scolari ayaa usheegay dowlada wadanka Brazil in ay isku daydo in ay qanciso dadka banaanbaxa ka wada magaalooyinka waa weyn ee wadanka Brazil.

Luiz Felipe Scolari ayaa ugu baaqay bananbaxayasha in aaney xoog ku raadin waxa ay doonayan dalkana aaney bur burin.

“Dowladu waa in ay la hadashaa banaanbaxayasha oo laga qanciyaa waxaa ay tabanayaan ayuu usheegay good morning Brazil ee ka baxa Tv-iiga qaranka.

“Dadka mudaharadka wada waa in iyaguna ilaaliyaan xasiloonida oo aaney bur burin dhulkooda.

“Dowadu waxaa ay dooneysaa waa waxa u wanaagsan wadanka laakiin waa muhiim in la tix galiyo codka muwaadinka.

Dad gaaraya 1.2 million oo qof ayaa isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee wadanka Brazil kuwaas oo ka soo horjeeda lacagaha ay dowadu ugu talo gashay koobka aduunka ee 2014, xili ay dad badan dhibaatooyin nololeed ku heystaan gudaha Brazil.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed