2: 721 Jeer.
Suuqa kala iibsiga: Clement Grenier oo albaabada ufuray in uu ku biiro Arsenal
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Xidiga khadka dhexe ee kooxda Lyon, Clement Grenier ayaa mugdi galiyay in uu xagaga dambe ka sii ciyaaro horyaalka France ,isagoo soo dhoweyay xiisaha ay uqabto kooxda The Gunners.
Clement Grenier waxaa uu sheegay inuu jecel yahay in uu ku biiro kooxda The Gunners ,xili tababare Wenger uu horey usheegay in uu taageero uyahay laacibkan.
22 jirkaan oo ku sugan South America xili ay wadankiisu isku diyaarinayan kulan saaxibtinimo oo ay la qaadan doonaan Brazil ayaa la weydiiyay sida uu arko xiisaha Arsenal.
“Hada waxaan ku jiraa tababarkeyga aan ku qadanayo Uruguay ka hor inta aanan Axad wajihin Brazil ,runtii xiisaha Arsenal waa mid gaar ii ah .
“Qof walba ayaa xiligaan jecel in uu ka ciyaaro Premier League ,waa muhiim Arsenal waana jeclaan lahaa London, laakiin aan aragno waxa dhaca marka aan guto howsha qaran uuna ii dhamaado fasaxa ayuu hadalkiisa ku daray.
Arsenal ayaa horey usheegtay in ay dooneyso laacibkaan .
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨