Waxaa la aqristay: 455 Jeer.
Steven Gerrard “Gool aan ka dhalino Newcastle United ayaa Man City dili kara
Waxaa Qoray: Mohamed Jowhar

Ma dhiman wali rajada kabtanka Liverpool Steven Gerrard ee ah inuu ku guuleysanayo Premier league xili ciyaareedkan.
Qaladkii uu sameeyay kabtanka kulankii Chelsea ayaa ka riday Liverpool kaalinta labaad ee Premier league xili uu doonayay inuu ku guuleysto koobkiisii ugu horeeyay.
Steven Gerrard ayaa sheegay in gool ay bilowga ciyaarta ka dhaliyaan Newcastle United iney cadaadis weyn saari doonto kooxda Manchester City.
Xiligaas Man City waxaa ay la ciyaareysaa kooxda West Ham oo xiddigaheeda lagu amray iney ka badiyaan Man City.
Kabtanka Liverpool ayaa kadigay rajadooda hadii Man City ay gool ku dhaliso Etihad in tartanka uu soo gaba gaboobay.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨