2: 360 Jeer.
Soomaalida South Africa oo la soo baxay Baangado,biro iyo Wiil soomaali oo gacanta ka jaray Tuug South Afrikan ah.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Wararka ka imaanaya Magalada Cape Town ee Dalka South Africa, ayaa sheegaya in Soomaalida dalkaasi ku dhaqan ay bilaabeen Talaabooyin aan horay looga baran oo ay ku difaacayaan Naftooda.
Wararka aan ka heleyno Deegaanka Bounthefel ee hoos tigta Magalada Cape Town ayaa sheegaya in Wiil dhalinyaro Soomaali ah uu faash gacanta ugu jaray Muwaadin u dhashay Dalkaasi Koofur Afrikan kadib markii Muwaadinkaasi iyo Dhalinyaro la socday ay isku dayeen inay dhacaan dukaan uu lahaa,
mid ka mid ah dadkii dukaanka ka shaqeynayay.
Waxa uu sheegay in Weerarka ay kusoo qaadeen ku dhawaad 6-Lix Qof, oo si jees-jees u galay gudaha Dukaan kuwaasoo kula hadlay Erayo midab takoor ah, Hayeeshee waxa uu sheegay in hoos uu kala soo baxay Faash waxa uuna durbadiiba gacanta ka jaray mid kamid ah ragii kooxdii soo weerartay.
Labadii asbuuc ee ugu dambeysay waxaa kacsan Xaallada Ganacsatada Soomaalida, waxa ayna Muwaadiniinta South Africa isha ku hayaan Goobaha ganacsiga Soomaalida kuwaasoo intooda badan ka faa’iideysto boobka ay Tuugada u geystaan.
Dowladda South Africa ayaa iyadu dan gaar ah ka laheyn Dhibaatooyinka loo geysanaayo Ganacsatada Soomaalida wallow Xiliyada qaar ay Boliska dhaqano xun kula dhaqmaan Soomaalida dacwada ah.
Dhanka kale, Safaaradda Soomaalida South Africa, ayaa iyaduna qaab ahaan u muuqaal ek mid aan dan ka laheyn Dhibaatooyinka loo geysanaayo Somalida dalkaasi ku nool mana jirto Mas’uul arrintaasi ka danqaday oo si aan ganbasho laheyn kala hadlay Dowladda South Africa.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨