Waxaa la daabacay: Tuesday, May 20, 2014 - 18:42:51
Waxaa la aqristay: 139 Jeer.

Soomaali laga soo saaray Xabsiyada Kenya oo Garoonka Aadan Cadde laga soo dajiyay

Waxaa Qoray:

Waxaa manta Magaaladda Muqdisho soo gaaray Diyaarad siday Soomaalida maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa Xabsiyada Kenya.

Qaxootiga manta laga soo dajiyay garoonka ayaa waxaa lagu qab qabtay Raafka ciidanka Kenya ka sameeyeen magaalooyinka dalkaasi ayaa waxa maanta Muqdisho la keenay iyadoo hore uu usoo raacay Safiirka Somaliya ufadhiya dalkaasi Kenya Maxamed Cali Ameeriko.

Dadka la keenay Muqdisho oo tiradoodu ahayd 97 ruux ayaa waxay iskugu jireen Haween,Caruur,dhalinyaro iyo dad da’ ah.

Mid kamid ah dadka lasoo qabtay oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in lacag laga qaatay intii uu Xabsiga ku jiray kaasi oo lagu yiri waa lagu sii deynaa laakiin ay noqotay hal bacaad lagu lisay.

Waa markii Afaraad oo Dawlada Kenya ay dalkeeda kasoo masaafuriso shacab Somali ah oo qaarkood arday iyo ganacsato sharci heystay ku jireen iyadoona dadka Xabsiyada ku jira ay hadda xaalad adag oo dhinaca Nolosha ah ay heysto.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨