Waxaa la aqristay: 191 Jeer.
Soomaali badan oo laga soo tarxiilay Dalka Sacuudiga oo maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho
Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray soomaali laga soo musaafuriyay dalka Sucuudiga, dadkan oo gaaraya 150 qof ayaa diyaaradii siday kasoo degtay garoonka Aadan Cadde Ee Magaaladda Muqdisho.
Dadka maanta laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in lasoo qabtay iyagoo ka shaqeysanayey dalka Sacuudiga.
Qaar ka tirsan dadkii maanta la keenay Muqdisho ayaa waxay sheegeen inay tacadiyo la kulmeen intii ay gacanta ciidanka Sacuudiga ku jireen, iyagoona si kulul u dhaleeceyey dawlada Sacuudiga.
Dadka laga soo musaafuriyay Sucuudiga ayaa u badnaa dhalinyaro, waxaana dhowr jeer sidan oo kale looga soo tarxiilay muwaadiniin Soomaali ah dalka Sacuudiga.
Hay’adaha u dooda xuquuqda qaxootiga ayaa dhowr jeer cambaareeyay tallaabada ay Sucuudiga dib ugu soo celiyaan soomaalida dalkooda.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨