2: 665 Jeer.
Siyaasiyiinta Somaliland ee ka tirsan Dowladda Somalia oo Taageero Siyaasadeed u muujiyay Faisal Cali Waraabe.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Kulan qarsoodi ah oo u dhexeeyay Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeeda Somaliland kana tirsan Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa taageero u muujiyay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Somaliland Eng. Faisal Cali Waraabe.
Wasiirada iyo Xildhibaanada oo Magaallada Muqdisho ku qaatay kulan hoose, ayaa waxa ay Taageeren Eng. Faisal Cali Wareebe isla markaana ku sheegen inuu yahay Siyaasi furfuran oo in badan aqoon u leh Siyaasadda Somalia oo ay ku jirto Somaliland.
Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Shaqaalaha ka shaqeeya Wasradaha iyo Maamulada Degmooyinka ayaa waxa ay dhaliileen Ajaafooyinka hawada loo marinaayo Eng. Faisal cali waraabe oo ay ku sheegen inuu yahay shaqsi ka fog Arrimaha lagu eedeeyay balse ay aad uga xunyihiin Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ku jira Xukuumadda Somalia.
Kulanka oo ahaa mid aan u furneyn Xubnaha kale ee ku jira Dowladda balse uu ahaa mid u gaar ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee la shaqeeya Xukuumadda, ayaa waxa inta badan diirada lagu saaray Arrimaha Maamulka Somaliland ee ku aadan Xukuumadda Somalia iyo Arrinta Faisal Cali Waraabe.
Kulanka ayaa waxaa shir gudoomineysay Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Somalia, oo iyadu Caburin Siyaasadeed Awgeed sanadkii hore uga soo qaxday Somaliland, iyadoona wax laga xumaado ku sheegtay in Xilligaani leysu duro Siyaasadaha Somalia oo ay ku jirto Somalilan.
Kulanka ayaa waxaa laga mamnuucay Warbaahinta balse Mas’uuliyiin ka qeybgashay kulanka ayaa waxa ay shabakadda Soomaalidamaanta u xaqiijiyeen in Siyaasiyiintaasi ay aad uga caroodeen dhaqamada lagula dhaqmaayo Faisal Cali Waraabe iyaga oo Taageero Siyaasadeed u fidiyay.
Ugu dambeyntii, Kulanka oo Magaalladda Muqdisho ka dhacay Laba maalin ka hor, ayaa waxa uu ahaa mid si diiran loogu soo dhaweeyay Faisal Cali Waraabe oo Eedeymo Siyaasadeed dusha laga saaray balse ay Dowladda Somalia ku sheegtay inuu yahay mid Eedeymahaasi ka fog.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨