1: Tuesday, June 18, 2013 - 10:27:30
2: 361 Jeer.

Siyaasi Salaad Cali Jeele oo furka tuurtay Eedeymana kala dul dhacay Xukuumadda Somalia.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

yyyysdsysd

Siyaasi Salaad Cai Jeelle oo in mudda ah aan ka dhex muuqan Siyaasadda Somalia, ayaa waxa uu si kulul u Eedeeyay dhinacyada amaanka Somalia.
Salaad Cali Jeele oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in la wiiqay awooda Kooxaha Nabadiidka oo ay ugu horeyso Kooxda Alshabaab.

Siyaasi Salaad Cali oo ka hadlaayay Arrinta Ammaanka ayaa waxa uu yiri ‘’Somalia waxa ay gashay jawi wanaagsan, Xilligaan awood Kooxda Alshabaab ma muuqato ee amaan darrada dalka ka jirta waxaa sabab u ah qolyaha amaanka oo is dhigtay oo shaqadii loo xil saaray ka seexday”. Sidaa waxaa yiri Siyaasi Salaad Cali Jeele.

Dhanka kale, Salaad Cali Jeele ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Somalia looga baahan yahay inay iska xil saarto xal u helida Ammaanka Magaallada Muqdisho ka hor inta aan wax laga qaban Ammaanka Gobaladda Dalka.

“Xukuumadda gaar ahaan Saraakiisha Ciiddamadda Ammaanka waa inay la xisaabtanto dhamaan dhinacyada Amaanka, hadii ay noqon laheyd wasaarad iyo dhamaan inta uga hooseysa sugida amaanka”. Sidaa waxaa yiri Siyaasi Salaad Cali Jeele.

Isaga oo intaa kasii amba qaadayo hadalkiisa ayuu waxa uu yiri Siyaasiga “Amaan Darradu waxa ay gaartay in Madaxtooyadii la duqeeyo. Mana aha wax loo dul-qaada karo. Cid waliba waxaa looga baahanyahay in ay shaqadeeda si hufan u fuliso”.

Salaad Cali Jeele, waxa uu wax laga caroodo ku tilmaamay Dayacaada Ciiddamadda Ammaanka ee dhinaca Ammaanka Somalia, waxa uuna wax lala yaabo ku tilmaamay in Xiliyadda Habeenkii ay iska jiiftaan Ciiddamadda iyo Saraakiisha Dowladda.

Ugu dambeyntii, waxa uu Xukuumadda Somalia ugu baaqay in Arrinta Ammaanka ay kala xisaabtanto Saraakiisha Ammaanka isagoona dhanka kale Shacbiga ugu baaqay inay la shaqeeyan Ciiddamadda Ammaanka.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed