1: Monday, July 1, 2013 - 11:42:43
2: 333 Jeer.

Sirdoonka Maraykanka oo Basaas ahaan uga qeylsiiyay Yurubta.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

iii

Sarkaala sare oo ka tirsan Xukuumada Jarmalka ayaa ku eedeeyay Xukuumada Obama in ay ula dhaqantay xulafadeede ku eegtay habkii “Dagaalka Qaboow”,ka dib kolkii mid ka mida Jariiradaha dalkaasi uu soo bandhigay xog tibaaxeysa in Sirdoonka Mareykanku Basaasay Xafiisyada Midawga Yurub.

Wasiirka Cadaalada Jarmalka Sabine Leutheusser-Schnarrenberger ayaa ka Jawaabayay xog lagu daabacay Jariirada todobaadlaha ah ee dalkaas ka soo baxda Der Spiegel ayaa daabacday in Hay’ada Sirdoonka ee NSA in ay basaastay Xafiisyada Midawga Yurub ee New York,Washington iyo Brussels.

“Hadii xogta jariiradu tahay mid xaqiiqo ah,tani waxa ay na xusuusineysaa tabihii cadwga loola dhaqmi jiray in la hawlgeliyay”ayaa Sabine Sabine Leutheusser-Schnarrenberger laga soo xigtay.

Mareykanka ayaa soo wejahday fadeexad la xiriirta in ay shacabkooda iyo xulafadoodaba ay basaaseen.

Waxaana xogtan Fashiliyay Edward Snowden oo u shaqeynayay NSAda isla markaana haatan baxsada ugu xaniban garoonka duyuuradaha ee Mascow.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed