Waxaa la aqristay: 197 Jeer.
Shriwaynihii ururka Umis ee sanadka 2014 ka SAWIRO+
Waxaa Qoray: Mohamed Abdulle Hassan "Siidi"

Waxaa shalay lugu qabtay hoolka shirarka ee Tjärnaängskolan shir sanadeedkii ururka Umis ee sanadka 2014 ka. Shirka oo ahaa mid aad loosoo agaasimmay ayna aksoo qaybgaleen qiyaastii 230 qof oo jaaliyadda soomaliyeed ee magaalada daggan katirsan iyo masuuliyiin kasocdo magaalada Borlänge iyo sidoo kale dhakhaatiir iyo xirfadlayaal kala duwan ururkana kala qaybqaatay waxqabadkiisa rasmiga ah.
Waxaa lagusoo bandhigay shirka waxqabadkii ururka ee sanadkii lasoo dhaafay 2013 ka iyo sidoo kale filimo kasheekaynayey waxqabadkii ururka tan iyo maalinkii la aasaasay 2010 ka.
Ururka ayaa isbadallo badan kutallaabsaday sanadihii lasoo dhaafay iyadoo qaar kamida xubnaha iyo masuuliyiinta ururku ay kaqaybqaateen koorasyo kor loogu qaadayo aqoontooda si ay kor ugu qaadan waxqabaadka ururka.
Waxaa sidoo kale shirka kahadlay oo aragtiyo kasoo jeediyey;
Dr Lars Arvidsson, Dr, Abdullahi Warsame oo labada dhakhaatiir ka ah magaalada Borlänge, sidoo kale Torunn Ohlsson oo madax ka ah xafiiska Isdhaxgalka ka ee magaalada Borlänge iyo Ralf Norin oo asna ah masuul katirsan xafiiska Isdhaxgalka, Sheekh Xuseen Aabi, Ingineer Abuukar Xasan Geelle iyo Shamso Cumar Casayr oo dhammaantood soo jeediyey fikrado qiimo badan kufadhiyo.
Shirka oo ahaa mid aad loo abaabulay loogana qaybqaatay ayey aad ugu qanceen dadkii kasoo qaybgalay dhammaan.
Ugu danbayntii waxaa billadda sanadka ee ururka Umis oo ah billad sharafeedda ugu sarrayso ee uu ururku bixiyo laguddoonsiiyo shakhsiga ugu waxtarka badan Ururka Umis. Nuuradiin Xuseen Munasar ayaa la guddoonsiiyey biladdaas asagoo kumutay dadaal iyo karti dheeraada oo uu muujiyey mudadii uu kujirey maamulka ururka asagoo isku darsaday inuu fikardo badan keeno sidoo kalena fuliyey hawlo badan oo ururka iyo bulshada magaaladaba ay ubaahnaayeen.
Waxaa iyana billado abaalmarinno ah laguddoonsiiyey xubnaha maamulka ururka iyo qaybo kamida xubnaha caadiga ah ee ururka oo iyagu qaatay kooras xagga hoggaaminta ah, looguna talogalay kobcinta aqoontooda maamul si ay shaqadooda u horumariyaan.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨