1: Sunday, July 7, 2013 - 19:15:11
2: 293 Jeer.

Shirkii Wada-Hadalada Xukuumadda iyo Maamulka Somaliland oo Furmay.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

kk

Shirkii Wadahadalada u dhexeeyay Xukuumadda Somalia iyo Somaliland ayaa si rasmiya uga furmay Magaaladda Istanbul, Shirkan oo ay marti galinayso dawladda Turkigu, waxaa furay Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Ahmet Davutoglu .

Madasha shirka ayaa ahayd mid degan, waxaana labada dhinac midkasta goobtii shirka ka jeediyay wixii ka qabsoomay wadahadaladii hore iyo  wixii ka fulay qodobadii hore labada dhinac isula meel dhigeen, Iyadoo la xusi kar in furitaanka Shirka ay cadcadaayeen Ergada Maamulka Somaliland oo iyagu qodobo qortay iyo dhinaca Xukuumadda Somalia ka socday oo iyaguna Qodobo muhiim ah sii diyaarsaday, kuwaas oo ay hore markhaati uga hayd dawladda Turkigu markii ay kala saxeexanayeen labadada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibaddaTurkiga Ahmet Davutoglu, iyo xubno Xukuumadda dawladiisa ka tirsan oo shirka Hoggaaminaayay ayaa si degan u dhagaysanaayay labada dhinac ee kala ah Xukuumadda iyo Maamulka Somaliland

Inkasta oo ujeedadu ku koobnayd furitaanka si rasmiya loo furaayay shirka afraad ee wadahadalka Xukuumadda iyo Maamulka Somaliland, iyo qiimaynta qodobadii hore, hadana wuxuu ahaa mid doodo badan lays waydaarsaday.

Wasiirka arrimaha dibadda Ahmet Davutoglu  ayaa ku wergaliyayay ergooyinka labada dhinac  in shirku sii socon doono isla markaana loo gudbi doono qodobada ajandaha u ahaa Shirka afraad ee labada dhinac yeeshaan.

Galabta ayaa waxaa dhacay kulan kale oo labaad oo ka duwan midkii furitaanka uu qabsoomo, kaas oo ay yeelanayeen labada dhinac ee Xukuumadda iyo Maamulka Somaliland, iyadoo aan la ogayn qaabka iyo wajiga uu yeeshay kulanka galabta dhacay oo ahaa midka kobaad ee si rasmiya loogaga  doodi doono bilowga qodobada ajandaha u ah labada waddan.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed