1: Saturday, June 29, 2013 - 12:07:18
2: 729 Jeer.

Shirkii jaraa’id ee Neymar kaga hadlay final-ka Confederations Cup oo turjuman _Aqriso

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

neymar69151_3Xidiga yaraha wadanka Brazil Neymar ayaa sheegay in ciyaarta habeen dambe ee final-ka koobka qaaradaha ay noqon doonto ciyaartii ugu wanaagsaneyd nolashiisa .

Xidiga cusub ee Barcelona oo sadex ciyaarood noqday xidiga garoonka ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan final-ka xili ay shirkiisa jaraa’id ay ka soo qeyb galeen 150 wariye.

Wax yaabihii uu ka hadlay oo kooban

“Axada waxaa ay noqon doontaa maalin taariiq u ah kubbada cagta aduunka, waa final taariiqi ah maxaa yeelay waxaa ciyaaraya labo wadan oo awood leh .

“Waxaan dhihi karaa ciyaartooyda ,tageerayasha iyo qof walba ayaa doonayay in ay final-ka ciyaaraan Spain iyo Brazil maxaa yeelay waa labo wadan oo ciyaarta kubbad wanaagsan.

“Waa ciyaar uu ku riyoodo in uu ciyaaro qof walba oo aduunka jooga oo kubbada ciyaara.

“Waa farxd in aan ka hor tago ciyaartooyda mustaqbalka aan isku kooxda noqoneyno , dhaman waxaan urajeynaya nasiib wanaagsan.

“Spain waxaa ay heystaa ciyaartooy wanaagsan sida Xavi, Pedro, Piqué, Sergio Ramos iyo Casillas oo ah gool hayaha ugu wanaagsan aduunka , wax bdan ayaan daawaday isaga waan xushmeeya waxaana rajeynaya in aan gool ka dhaliyo.

“Guushu waa in aad ciyaarta kubbada adigoo aan cabsi qabin , Spain waa xulka ugu wanaagsan aduunka , laakiin sidoo kale Brazil waxaa ay heystaa ciyaartyooy wanaagsan .

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed