2: 443 Jeer.
Shariif Sheekh Axmed oo Baaq wax ku’ool ah u diray Madaxda Dowlada Jamhuuriyada Federaalka Somalia
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Madaxweynihii Hore Ee Somalia Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo Mudooyinkaanba ku Nool Dalka Uganda Magaalada Kampala oo Maalmo ka hor Gurigiisa Kampala ay ku Booqdeen Xubno ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheikh Cusmaan Jawarai ayaa waxaa uu Madaxweynuhu Bogaadiyay Hogaanka Dowladda Somalia .
Shariif Sheikh Axmed ayaa waxaa uu ugu Horeyntii ka hadlay Weerarkii dhawaan Al Shabaab ku qaadeen Xarunta Golaha shacabka oo ahaa Weerar aan laga garin Hadafkii laga lahaa sida la Aaminsan yahay Waxana uu Madaxweynuhu amaan iyo Bogaadin u soo Jeediyay Ciidankii ka hortagay Weerarkaas Caafimaad ayuuna u Rajeeyay Dhamaan intii ku dhaawacantay .
Madaxda Dowladda ayuu ku amaanay Howsha adag Ee Hogaamineed Ee ay ku jiraan waxaana uu ugu Baaqay in ay Dadaalaan oo ay sii laba jibaaraan Howsha ay Bulshada u hayaan isagoo soo jeediyay in laga fogaado Wax kala Fogaansho keeni kara Khilaaf ayuu sidoo kale uga digay Hogaanka Dowladda .
Shariif Sheikh Axmed Madaxweynihii Hore Ee Somalia ayaa Markii labaad Warbaahinta la hadlay ilaa 17 Bishii September Ee sanadkii 2012 xiligaas oo uu Xilka Madaxweynaha Dalka ku Wareejiyay Madaxwaynaha talada haya Xasan Sheikh Maxamuud oo isagu doorasho Muqdisho ka dhacday uga Guuleestay Sheikh Shariif .
Isha KNN
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨