2: 839 Jeer.
Shacabka Bakistaan oo go’aan Cajiib ah lagu soo rogay.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Sheeko yaab leh oo qofkii maqlaa aysan ka dhaadhaceynin ayay ku dhawaaqday dowlada Bakistan oo ku taala qaarada Asia taasi oo mamnuucday in dadka kabaha Labiska ama buudka aysan ka hoos xiran karin sigisaanta loogu talagalay in lagu qaato.
Go’aanka dowlada Bakistan ay ku mamnuucday in dadka Shacabka ah iyo qof walba oo dalkaasi ku nool uusan marnaba xiran karin Sigisaanta laga hoos gishto kabaha buudka oo loogu talalagay in lugaha ay ka celiyaan dhididka iyo wax kasta oo ka soo bixi kara kubaha gudihiisa.
Shacabka reer Bakistan ayaa markii ay maqleen in dowlada Bakistan ay ka mamnuucday in aysan marnaba xiran karin Sigisaanta kabaha laga hoos gishto taasi oo ay ku tilmaameen wax aanan marnaba caqliga gali karin.
Sheekadaan layaabka badan ayaa qof walba oo maqlaa waxaa uu ku tilmaamay ciyaar iyo wax aanan suura gal noqon karin Hayeeshee dowlada Bakistan waxaa ay sheegtay in ay ka go’an tahay in ay dalkeeda ka mamnuucdo in dadku xirtaan Sigisaanta.
Dadka ku nool qaaradaha aduunka oo dhan ayaa markii ay labistan ama ay xirtaan kabaha buudka ah ee lagu labisto waxaa ay ka siman yihiin ama ay xirtaan Sigisaanta taasi oo ah qeyb kamid ah labiska qofka kabaha buudka ah ee wata.
Si kastaba ha ahaatee macadda ilaa iyo hada qorshaah ay ka damacsan tahay dowlada Bakistan in ay joojiso isticmaalka Sigisaanta kabaha lagu qaato inkastoo ay dhawaanahan soo bixi doonaan sababtii loo joojiyay.
W/Q. Xasankuuriya
Email:-
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨