2: 362 Jeer.
Sergio Aguero lama ganaxi doono falkii David Luiz dartiis laakiin…
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Weeraryahanka kooxda Manchester City Sergio Aguero ayaan lagu ganaaxi doonin falkii uu kula kacay daafaca Chelsea David Luiz dartiis.
Xiriirka wadanka Ingriiska ee FA –ga ayaa sheegay in laacibka City aanu muteysan wax lagu ganaaxo kadib markii ay dib udaawadeen falkii ka dhacay garoonka Wembley shalay.
Aguero ayaa haraati kutala gal umuuqatay ku dhuftay Luiz qeybtii dambe ee ciyaarta taas oo uusan wax calaamnad ah ku bixin garsoore Chris Foy.
“Hada ma jirto ciqaab aan ku sameyn doono Aguero dhacdadii Wembley darteed ayuu yiri afayeen uhadlay FA –ga.
Laakiin arinta muhiim ka ah waxaa ay tahay Aguero ayaa wali ka aamusan David Luiz kaas oo ka dalbaday in uu raali galin ka bixiyo falkiii uu kula kacay.
Waxaa Qoray: Ashley Gray-Daily Mail.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨