1: Tuesday, January 8, 2013 - 21:09:21
2: 514 Jeer.

Scholes “Liverpool iyo Man United waa labada koox ee ugu xafiiltanka badan England”

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

SPT IHN 221006-02
Paul Scholes ayaa dareensan in Liverpool iyo Manchester United ay wali yihiin labada koox ee ugu xafiiltanka badan wadanka Ingriiska xitaa hadii aaney Liverpool sanado badan qaadin horyaal.

Labada koox ee United iyo Liverpool oo ah labada koox ee ugu guulaha badan wadanka Ingriiska ayaa maalinimada Axada ah ku kulmi doona garoonka Old Trafford xili Liverpool ay 21 dhibcood ka hooseyso United.

Paul ayaa la weydiiyay sida uu arko ciyaarta Axada:

“Waxaan ka walaacsanahay Liverpool ,ma’ahan mid sahlan wali waxaan aaminsan hahya in ay yihiin labada koox ee ugu sareeysa xaga xafiiltanka England “

“Waxaan umaleynaya in ay sanado badan sidaas sii ahaan doonaan ,majirto koox aan la sami karo Liverpool marka laga tago United ayuu yiri Scholes.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed