1: Wednesday, July 3, 2013 - 14:40:45
2: 2,981 Jeer.

(SAWIR). Amiin Camir oo soo bandhigay Sawir ka careysiiyay Beesha Habar Gidir.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

jhhhhh

Farshaxaniistaha Caanka ah ee Amin Caamir, ayaa waxa uu maanta Bogiisa Facebook soo dhex dhigay Sawir ka careysiiyay Beesha Habar Gidir kadib markii uu sawiray Muuqaal Nabadoono iyo Xildhibaano dhaawac ah oo Lacag ka dalbanaaya Madaxweyne Xassan Dahir.

Sawirka uu Amin Caamir, Sawiray oo ahaa mid laga dheehan karo Xigmad ku aadan in Jirdilka loo geystay Odayaashii keenay Muqdisho Xassan Dahir ay Dhawacooda ku badasheen Dhaqaale, sida ka muuqata Muuqaalka Sawirka iyo Qoraalka kor saaran.

Beesha Habar Gidir ayaa waxa ay ka carooden qaabka uu Amin Camir u dhigay Sawirka, isagoona ka shifay waxyaabo badan oo shacbiga ka qarsoona.

Ugu dambeyntii, Sawirka ayaa waxa uu kusoo beegmaya xilli Habeennimadii xalay Xarunta Madaxtooyadda Somalia ay kuwada kulmeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Md. Xassan Sheikh Maxamuud iyo Odayaasha uu kasoo jeedo Beesha Xassan Dahir.

SAWIR

jhhhhh

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed