2: 454 Jeer.
Saraakiisha Garabka Axmed Madoobe oo soo afjaray Tababar ay siinaayeen Ciidamadii ugu badnaa.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Wararka naga soo gaaraya Magaallada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Raaskambooni iyo Kenya, ay soo afjareen Tababar Ciidamo taabacsan Maamulka Garabka Axmed Madoobe.
Ciiddamadda Tababarka loo soo afmeeray ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 1,200 kuwaasoo uu Maamulka u diyaarinaayo in laga Hawlgaliyo Magaallada Kismaayo iyo Deegaanada ku xeen-daaban.
Sidoo kale, Ciidamada ayaa waxaa lagu tababaray xero ciidan oo ku taala meel aan ka fofeyn Deegaanka Badhaadhe oo uu ka soo jeedo Madaxweynaha Maamulka Jubaland State Axmed Madoobe.
Gudoomiyaha Degmada Badhaadhe oo la hadlay idaacada Goob joog ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamadan ay qaateen tababar isku dheelitiran, isagoo shaaciyay inay ka howlgali doonaan deegaanada uu ka taliyo maamulka Axmed
Madoobe oo sheegtay inuu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Jubaland State.
Gudoomiyaha wuxuu xaqiijiyay in ciidamadan ay gaari doonaan Magaalada Kismaayo, kana qeyb qaadan doonaan xaqiijinta amaanka Magaalada Kismaayo iyo Dagaalada lagula jiro xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Maamulka Garabka Axmed Madoobe ayaa ku mashquulsan helida ciidamo taaba galiya maamulka Jubaland oo caqabado badan ay hor yaalaan, waxaana deegaanada uu maamulayo ka socda dhaq dhaqaaqyo ciidamo lagu tababarayo.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨