1: Monday, June 9, 2014 - 18:56:28
2: 175 Jeer.

Saraakiisha Degmada Walaweyn oo sheegay inay soo gabagabeeyen Dagaalkii halkaasi ka socday

Waxaa Qoray:

Maamulka degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in saakay la soo afjaray xiisadihii colaadeed ee ka taagnaa gudaha degmadaasi.

Maxamed Cabdullaahi oo ah xoghayaha maamulka degmadaasi ayaa sheegay in ay kala dhex galeen kooxihii ku dagaalamay shalay degmada Walaweyn, kuwaasi oo kala ahaa ciidamada booliska dagmadaasi iyo ciidamo madani ah, isagoo aan si rasmi ah u sheegin sababta ka dambeysa dagaalka dhex maray ciidamadaasi.

“ Waxaan ku dadaali doonnaa sidii aysan mar dambe u dhicin iska hor imaadyada noocan oo kale ah oo dhex mara ciidamada ka wada tirsan maamulka degmada Walaweyn.” Ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi.

Xoghayaha maamulka degmadaasi ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in ay ka feejignaan doonaan muranka saameynta ku yeelan kara isusocodka iyo ganacsiga deegaanka.

Isku dhacyada dhex mara ciidamada ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa inta badan sababa khasaare soo gaara dadka rayidka.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨